soomaali (somaliska)

Dhiig-deeqida dalka Iswiidan

Waad ku mahadsan tahay maadaama aad ku fekersan tahay inaad dalka Iswiidan ka noqoto dhiig-deeqe.

Haddii aad doonayso inaad dhiig-deeqe dalka Iswiidan ka noqoto, waa inaad af-iswiidishka ku hadli kartaa, aqrin kartaa oona fahmi kartaa. Maxaayeelay, markii aad xaalad-caafimaadeedkaaga na wargelinayso, waxaa sidaas looga hortegi karaa is-afgarashada labada dhinac ba. Tan ugu muhimsan waa in aan sugno dhiigga. Sidaas awgeed, waa in aan kari karnaa is-faham buuxa oo aan wax qalad lahayn.

Teeda kale, wa inaad haysata tobbanka lambar aqoonsiga ee dalka Iswiidan muhimka ah. Waa inaad haysata warqadda aqoonsiga oo ah mid la aqoonsaday. Waa inaad tahay qof caafimaad qabo oo da’diisa u dhaxayso 18-60 sano. Haddii maanta aadan calaamayn karin afargeysyada oo idil, waxaad soo noqon kartaa maalin kale.

Dalka Iswiidan wuu isku filan yahay dhinaca waxyaalaha dhiigga laga sameeyo, laakinse dheelitirnimmo awgeed deeqeyayaal cusub waa loo baahan yahay mar kasta. Waxaa muhim ah in la helo deeqeyayaal asal ahaan ka yimi dalal kala duwan. Taasoo suurtagelinayso in mar kasta la helo noocyada dhiigyada caadiga ah iyo kuwa aan ahayn.

Tiro lagu qiyaasay boqolkiiba saddex oo ka tirsan dadka waawayn ee dalka Iswiidan ku nol, ayaa sannad kasta laga hela dhiig-deeqid. Dalka waxaa ku yaallo xarumaha dhiig-deeqida, kuwaasoo tiradooda ka badan 90. Badidooda waxay ku dhexyaalin isbitaalada, waxaana maamula hay’adaha gobolka. Qaar iyaga kamid ah way ka soo guureen isbitaalada, waxayna u guureen bartamaha magaalada iwm. Taasoo ujeedadeeda ah in deeqeyayaasha loo fududeeyo. Waxaa kalo jiro basas isla adeegaas qabta. Waxay booqdaan magaalooyinka, tulooyinka iyo shirkadaha waawayn.

 

(The exception is Stockholm where it is possible to give blood in English, read more here: https://geblod.nu/stockholm/blood-donation-in-english/)

Välkommen till GeBlod.nu
Välj ditt län.

Genom att fortsätta accepterar du även vår policy om cookies.